Video Soomaalinimo de Ahmed Rasta 2025 Lyrics Lyrics

Escucha la música Lyrics más popular de Ahmed Rasta y otros artistas en línea. Disfruta de las mejores canciones de 2025 en Musicas-Cristianas de música en línea. ¡Encuentra tu canción favorita y escúchala en cualquier momento y en cualquier lugar!

Video Soomaalinimo » Ahmed Rasta Letra

INICIOAhmed RastaSoomaalinimo

Ahmed Rasta - Soomaalinimo Lyrics


(1)
Buuraha Surad baa u dheer
Hankana Soomaalinimo
Gobtuna silic way martaa
Haddana saxariir ma tiro

Abaartuna waa sunnee
Hadduu jiro sebenxumaad
Waxaa xiga beri samaad
Sagsaagguna waa dhammaad

(2)
Galool samadaa jiroo
Salkuna u aroorsan yahay
Ayaan sabo kula dhashoo
Qabkaygu ma suuli karo

Samada calankaa ku ladhan
Ayaa sanka taag i faray
Adkaysoo samir lahow
Bilaha soonkaa i baray

(3)
Daruuraha sixirka iyo
Intaan saxalkani dul iman
Samaaluhu wuxu ahaa
Naflaha madow ugu sandheer
Sadhada tafaraaruqiyo
Intaan soocsoocu fidin
Saf iyo cudud buu lahaa
Cadaawuhu kaga sasaan

(4)
Alloow solonsii bulshada
Sokeeye inay yihiin
Sinjiga ka midaysanoon
Waqood kala soocmahayn

Sariir lagu wada gamaay
Banaadir sal noo ahow
Hargeysaay sabawanaag
Siraad baxay noo ahow

(5)

Waxaa xalay sawiray
Geyiga nabad saaqday iyo
Sareedo dadkoo ku leday
Waxay sugayeenna helay

Buuraha Surad baa u dheer
Hankana Soomaalinimo
Gobtuna silic way martaa
Haddana saxariir ma tiro

Soomaalinimo » Ahmed Rasta Letras !!!
ANUNCIOS PUBLICITARIOS
Esta sitio web no aloja ningún tipo de archivo audio o video© Musicas-Cristianas 2025 España | Chile - Argentina - México. Todos los derechos reservados.

Escuchar músicas enlinea gratis, 2025 Escuchar Música Online, Música en Línea 2025, Música en Línea Gratis, Escuchar Música Gratis, Música Online 2025, Escuchar Música

Música 2025, Música 2025 Online, Escuchar Música Gratis 2025, Músicas 2025 Gratis, Escuchas top, Música de Moda.